Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab aay wadaan dhaq dhaqaaq diblumaasiyadeed kii ugu weeynaa, ee aay sameeyaan intii aay jireen, waxaa magaalada Muqdisho ka yimid horjoogayaal ka tirsan Shabaabka intooda badana kasoo jeeda Hiiraan, talaabadii ugu horeysay oo aay qaadeen ayaa ah iyagoo soo raadiyey wadaad caan ka ah Hiiraan oo la yiraa Sh. Cabdulahi C. Barqadle waxayna keeneen iyagoo u balan qaaday in mar dambe dhibaato loo geeysan doonin shacabka Hiiraan wixii dhacayna aay ka bixin doonaan xaal iyo raali gelin. Sheeqa iyo wadaado kale oo badan iyo waxgarad/odayaal ayaa isaga cararay gobolka kadib cabsi kasoo wajahday nimankan laayay shacabkii Hiiraan, wadaadkan ayay ka codsadeen in aay u dhiibaan maxkamada Hiiraan, laakiin wuu iska diiday, wuxuuse codsaday in isaga iyo shacabkaba la nabad geliyo. Durbaba waxay bilaabeen socdaalo aay ku tagayaan magaalo iyo tuulo kasta si aay odoyaasha uga dhaa dhiciyaan in aanay u socon shacabka Hiiraan wixii qalad aay geeysteena aay ka bixinayaan raali gelin, waxeey bixiyeen qarash lagu sheegay in uu yahay xaal marin oo dhan 40, milyan shilin, halka aay balan qaadeen in aay dhiibi doonaan diyada ninkii aay qaleen oo ah 100, halaad. Niminkan yimid ayaa u badan Al-shabaab waxaase ku dhex laban in yar oo X-islaam ka tirsan waxaana ka mid ah nin la yiraa Cuumiye kana mid ah Xasan Daahir dadka ugu dhow dhow, waxaana la sheegayaa in X-islaamka Hiiraan ku haray aay la midoobi rabaan Shabaabka dhawaan. Al-shabaab ayaa shacabka Hiiraan waxay u qaadeen cadaawad aan halkan lagu soo koobi karin kadib markay laayeen waxgaradkii iyo aqoon yahankii, suáasha leeys weeydiin karo ayaa ah, xaal iyo raali gelin lala yimaado miyaa soo celin karta dadkii qiimaha badnaa ee aay laayeen? Sabata keentay in xiligan aay la yimaadaan jilcanaan ayaa lagu sheegay in aay doonayaan in dagaalka reer Hiiraan ku hayaan laga joojiyo ama ugu yaraan la yareeyo, reer Hiiraan ayaa lagu sheegaa dad aan harin oo dagaalama ilaa aay gaaraan hadafkooda, iyo iyadoo Shabaabka laga yaabo in dagaalo badan ku furmaan oo aay rabaan in furumaha dagaalku yareeyaan iyo ugu dambeyn Hiiraan laga gooyo Dowlada iyo Ahlu sunna.
|
