Waa Maxay Sirta Noloshu? Sirta noloshu waa hal-ku-dheg isticmaalkiisu ku badanyahay bulsho waynta ku hadasha afka Soomaaliga iyaga oo leh qofkaa hebel sirta nolosha ayuu fahmay oo ay dhici karto in ay ula jeedaan ama ka wadaan mid ka mid ah macnayaashan: 1. Wixii dantiisa ah ayuu ku foofaa wax aan dani ugu jirinna kuma habsaamo Si fiican ayuu noloshiisa u maareeyaa haddii ay tahay nolol ahaan, aqoon ahaan, dad la dhaqan ahaan, dhaqaale ahaan IWM 2. Waxa uu leeyahay karti ama awood qarsoon (potential power) oo uu danihiisa ku fushado baahidiisana ku *****lo 3. Waxa uu xariif ku yahay sida wax la isu waydaarin karo dadkana wax looga dhamaysankaro (negative sense) Macnayaashan oo saddexda hore isku dhadhaw yihiin balse ka u danbeeyaa uu yahay mid dhinaca khaldan loogu macneeyay ereyga “sirta nolosha”, ayaa dadka intiisa badani u fahmaan in ay ka turjumaan eraygan “sirta nolosha”. Lama odhankaro dadku waa wada khaldanyihiin oo sadexda arimood ee horeba waa arimo loo baahanyahay in qof walba laga helo. Waxa aan qoraalkan ama maqaalkan uga jeedaa bal in anigu waxa aan u fahansanahay “sirta nolosha” aan la wadaago bulshada akhrisata maqaalkaygan iyo sidoo kale in aan wacyi galin ahaan uga faa’iidaysto; waayo waxa aan jecelahay in bulshada aan kasoo jeedaa noqoto mid fahanta sirta nolosha oo aan gadaal ka tilmaamidoono |