Shabab ayaa qorsheynaya dagaal ay ku qaadaan Galgaduud Puntland iyo somaliland waxeyna isku dayayaan waxkasta oo ay beesha Xawaadle kula heshiin karaan waayo saraakiil Ajnabi ah oo qeyb ka ah dagaalka Somaliya ayaa Shabab u soo jeediyey in aysan suuro gal aheyn in ciidan Puntland iyo Somaliland gacanta ku dhiga loo diro goboladaas iyadoo qaar ka mid ah qabiilooyinka gobolka Hiran ay Shabab colaadi kala dhaxeyo arintaas oo Shabab ku noqotay far soo taagan. Shabab lagama yaabo iyada iyo beesha Xawaadle inuu heshiis buuxa dhex mara waayo iyaguna ma doonayaan iney raali galin ka bixiyaan xasuuqii Jun,18,2009 beesha Xawaadlena diyaar uma ahan iney Shabab hor fadhiistaan ilaa arintaas xal laga gaaro. Inta taasi taagan tahayne dagaalka Hiran ma joogsanayo.Alaha u naxriistee Abwaankii caanka ahaa C/qadir Xersi Yam Yam ayaa yiriNin Amaantii Meershaa Ri isnuugtay weeyaan. laakin mid kale ayaa waxey leetahay hadii ay ku moosaan Kaltiyaa leysku muujiyaa.Taas micnaheedu waa in Shabab ilaa ay Xasuuqii Jun,18,2009 ay sheegatay meel ka saarto beesha Xawaadle waxkasta oo ay Shabab ku cuuriyaamin karto wey ku dhaqaaqeysaa aqlina maahan waan ku xasuuqayaa xoogne iku soo raac. Waxaa isku soo daba riday Cilmi Khalif |
