Ciidamadii gobalka Hiiraan ayaa ku kala firaarsan gobalada dhexe ee Soomaaliya, ka dib markii ay u suuro gali waysay hanashada degmada Baladweyn ayey la soo deristay ciidanka Hiiraan oo u badnaa ciidan cagta, qilaaf balaaran oo kala soo dhexgalay hogaanka ciidamadaa. Ciidamada ayaa isagu jiray ciidankii hore uu hogaanka u yahay Daba Geed iyo Aden garaaso, sidoo kale ciidan beeleed ka soo jeeday labo qabiil oo Hiiraan dega, waxaa ku adkaatay hogaanka iyo awad shaqeynta ciidamadaa kala duwan. Ahlusuna waljamaaco oo ahaa urur ugu weyn ee gacanta siiyay ciidamada Hiraan oo dagaal buuxo kula jiro al-shabaab, ahli suna waljamaaca ayey siyaasadiisu ahed in gobalka Hiiraan noqdo meel ay maamusho Ahlu suna waljamaaca tasoo keentay in ay ka didaan ciidan beeleedkii Hiiraan. Ciidamada ayaa haatan ku kala firaarsan degaanka hoos yimaado Hiiraan iyo Guuroceel ,dhuuso mareeb. Al-shabaab oo dooneyso in marka aysan ciidamadii awood u yeelan in ay soo hujuumaan Hiiraan ayaa diyaar garow ugu jirto in ay weerar ku qaado degaanadaa. Ali Yare Hiiraan post |
