Contact us

admin@hiiraanpost.net
adenhassan@hiiraanpost.net
ali.yare@hiiraanpost.net
yosman@hiiraanpost.net
said@hiiraanpost.net

Somalin Links

HorseedNet
HiiraanNet
SomaliTV
Somalilyrics
Mahigaan
Juba Radio
Sharmarke Peace
Wadaniga
Qaranka News
Magan Tahir
Soomaalidamaanta
Shaaciye
Mareeg
Gorgormedia
Ceelqaboobe
Boocame
Fadhi.com
Camaloow
SanaagPost
Bulshoweyn
SilGor.com

HiiraanWeyn
WaamOnline
Agoonta.net
Gobolada
AllNugaal 
Maqaal.com
Maxaas.net
Gargaarka 
UNPOS 
Ogaden Online 
Waayaha.net 
Markacadey.net 
Baydhabo.com
Daafeet.com 

XildhibaanPub.
Reegay.com
Xargaga
Maaryaa.net
Galdogob Times
Directory

Islaax.org

Ogaal Online

Dowladnimo

HormoodNews
Kubadda.com

Horyal Radio

Jawiil Online

 
All Sanag

Gedoland

Gedoland

Dulmidiid

Banooda

Codkawaamo

Cakaarra

Itisfame

Queen Mary Somali S
Xogta
Dalkanews

WAAJID

Jilibweyn
DjibTalk

Djiboutination

Ali Halane Art

 4somaliwomen

Marka Caddeey
Maqaalo
Muqadisho City
Mudug Online
Midgaan.com
Mogadishu University

Midnimo.com

NASSNET
Onkod
Olol
Osman Arts
Puntland Post
Qaranimo
Quruxleey Mag.
Qabridahare
Qaadisiya
Qorahey Online

Ruunkinet

Shabelle.net
Somali Business
Soomaalinews.com
Somali Bantu
Somali Ecological
Solamusic
Sh/Hoose
Shirqool
SomaliSwissl
SOMWE
Somali Citizen

SomaliDoc.com
Somali Amreican 
Somaliwide.Net
Somali Star TV
SomSport
SS Union
Somali C. & Sports
Somali Swiss
Somalidaxorta
SAMADDOON
Somali Doctor NT
Somali Lawyers' A.
Somali Post
Somali Press Review
Som. Cartoon Network
Somali Student Assoc
Somali Fisheries Society

Somalilandnews.com

Somalitalk.com
Somalilife.com

Somaliawatch.com

Somaliawatch.org

Somalilandnet.com
Somali R. & H. Center
SomaliNet

Somalitribune
Somali Weyn
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Somaliland.org
SomRefugeeYemani
Somali Jecel
SomaliPen.org
Somalimarket.com
Somali-Youth

Wardheer News
Waridaad
Waaga Cusub
Widhwidh

Xeebta
Xamardaye
Xog-Waran

 

Maqaalada


CINWAANADA MAQAALADA

***

Dowlada oo Hasan Dahir dejineysa

posted 24 Feb 2010 07:08 by admin Hiiraanpost   [ updated 11 Mar 2010 02:00 ]


Waxaa gabo gabo ku dhaw qorshe Hasan Daahir looga soo rarayo ceelasha biyaha oo lagu keenayo magalada Mogdisho oo ay hore ugu ceyriyeen Fu,aad Shanqoole iyo Ahmed Godane. beesha uu ka dhashay Hasan Daahir ayaa qaadan weysay kedib 20 sano oo wiilashoodii loo isticmaalay dagaaladii sokeeye kuna waayeen waxgarad iyo aqooyahane dalka Somaliya magac iyo maamuus ku lahaa ayaa qaadan waayey in maanta ay caasimadii Mogdisho qaxooti ka noqdaan oo shacabkooda ay dhibaato noockasta leh kala kulmaan halka ay u qaxeen oo ah geedo hoostood oo waliba qaarkood geedaha  laga kireeyey.

Tuslaae: geedka Quraca ah waxaa Hasan Daahir dadkiisa looga kireeyaa 100 dolar halka Somalida kale looga kireeyo 30 ilaa 50 dolar arintaas ayaa lagumacneeyey in dadka degaankaas iska leh u arkaan in reerka uu ka soo jeedo Hasan Dahir Aweeys ay hantidii qaranka Somaliyeed iyo ganacsiga dalka ka jiro ay iyagu heystaan sidaasi daraadeedna aan loo aabo yeelin kooda wax heysta iyo kii aan heysan,waa dhibaato inteeda la eg.
 
Somaliya ma jirto qabiil maanta hanti wada heysta dadkuna waxey inta badan u  badan yahiin shacab ay colaado 20 jirsaday ragaadiyeen oo dhianckasta ka dhiban am Hasan Dahir qaraabo hala ahaadeen ama Somali kale haka soo jeedeene.Hasan Daahir oo 70 iyo dhaw jir ah waxaa magaalada Mogdisho ka ceyrsaday wiilal yar yar oo uu isagu soo barbaariyey sidaasi daraadeed waxuu hada xal u arkey inuu dowlada la heshiiyo arintaas oo si weyn  ugu dhabar adeegay Indhacade iyo wasiiro ay qaraabo yahiin odayga. Dowlada ayaa aqbashay in Hasan Dahir laga keeno ceelasha biyahah lana dejiyo xaafada Hodan isaga iyo ciidankiisa halka Hasan Daahir iyo taageerayaashiisu balan qaadeen iney Shabab ka sifeynayaan Suuqa bakaaraha iyo nawaaxigiisa.
 
Shabab in leysku xulufeysto waa wax wanaagsan sidii wadanka looga saari lahaa madama ay Calankii  umada Somaliyeed deb qabadsiiyeen hadane ay gobolada dalka qaarkood magacyada ka bedelayaan iyagoo magaalada Kismaayo magac ka bedelayo oo u bixinayo Jalaalabaad, laakin kuwa isku xulufeysanayo maxey xal ah oo ay shacabka u hayaan oon ka aheyn fowdo iyo caasimada oo xaafad xaafad loo kala xirto iyo qaabkii mooryaantu ama qabqablayaashii dagaalku ku shaqeyn jireen oo lagu socdo maahane?
 
Dowladu waa dowlad dib u heshiisiin laakin waxey nabad ka raadineysaa ciidan xabad la fadhiyo Shibis iyo Boondheere oo Villa Somaliya iney qabsadaan doonayo. Waxaa kale oo ay dowladu dooneysaa iney Ahalu Suna oo hada u muuqdo kuwo ku kala jabay shirka Ethiopia ka socdo ay iyaduna qanciso. Waa wax wanaagsan in dowladu ka shaqeyso nabada laakinse waa goorma marka la hayo dad u diyaar ah oo wadanka ka naxayo hadii ay dowladu ka naxeyso shacabka dhulka miyiga ah ee caasimada ku teedsan qaxootiga ku ah maalin cad ayey kooxahaan dagaal iyo nabad mid qaata dhihi laheyd laakin waxaad moodaa in qandaraas lagu soo qaatay dabargoynta umada Somaliyeed oo dhinackasta lagala dagaalamay.
 
Dhinaca kale Ahmed Godane iyo Fu,aad ayaa isku diyaarinayo safar ay degaanadooda dib ugu laabanayaan kedib marki ay hada arkeen qatarta ku soo fool leh iyo colaadaha looga sifeynayo inta badan magaalada Mogdisho oo hada jidad badan oo ay isticmaali jireen laga xirey.Abuu Mansuur iyo Ali Dheere ayaa iyaguna mowqifkoodu yahay sidii Fu,aad iyo Godane oo degaanadooda ay nabadi ka jito oo Mogdisho u yimid iney dabar gooyaan shacabka koofurta Somaliya oo ay ka dhigeen mid ay dilaan, qaxiyaan, xubnahooda jar jaraan ayaa hada runta dib u milicsaday waxeyna u badan tahay in ay ka dhax baxaan Ajnabiga ka amar qaata ina Godane iyo Fu,aad madama Abuu Mansuur ciidankiisu ka soo jeedaan inat badan Hiran, Bay, Bakool, Gedo iyo Sh/ Dhexe oo dhamantood ay reer Koofur yahiin hadii xaalku xumaadane qaab aan qabiil ka marneyn loo kala fur furi karo marka Hasan Dahir la soo dejiyo magaalada Mogdisho.
 
Arimuhu sidey u socdaan waa sidaan hore u qiyaasay mudadii aan bilabay qoraalada aan ku cabirayo halka ay ku danbeyn doonaan kooxahaan jihaad doonka ah.Jihaad ma jiree dhiiga shacabka ayaa la xalaaleysanayaa maahane.Laakin waxkasta waxey ku xiran yahiin sida ay kacdoon u sameeyaan shacabka oo hada bilaabay iney si hoose macluumaadka isku dhaafsadaan xitaa shacabkii waxaa hada shaki laga galiyey dugsiyadii qur,aanka oo aheyd isha kaliya ay wax ka baran jireen kedib markii caruurtii qiimo jaban looga iibsado macalimiintii wax barayey.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif

Dalka iyo dadka Somaliyeed yaa bad baadin kara, Yaase maanta Nasab

posted 17 Feb 2010 10:19 by admin Hiiraanpost


Dhibaatada shacabka Somaliyeed waxaa asal u ah dulmi lagu sameeyey qaar badan oo umada Somaliyeed ka mid ah.Xiligii ay Somalidu Somali aheyd waxaan magacyo aan ilaa hada la hubin jiritaankooda run iyo been lagu takoorey shacab Somaliyeed oo muslin ah kana mid ahaa umada Somaliyeed oo waliba markaad dhinackasta ka eegto ilaah u dhameystiray wanaag kasta oo umad lagu tilmaami karay sida
 
1- Iney Muslin ahaayeen.2- Iney wadaniyiin ahaayeen oo ay shaqooyinka lagu karto jiritaan umadeed hayeen sida farsamada, qodaalka beeraha, birta oo ay ka sameyn jireen qalabka beeraha.3-Kaalinta siyaasada iyo wadani jaceeylka oo ay kaalinta koowaad kaga jireen hadey noqon laheyd fanka, Sportiga, siyaasada iyo wax la mid ah. Shacabkii loo baahnaa xiligaas in intaas oo wanaag ah looga dayto ama lagu dhiiragaliyo waxaa dhulka la galay oo magacyo aysan u qalmin u bixiyey qabiilooyin markaas isku arkey iney shacabka ugu badan yahiin oo doonayey iney uun iska noolaadaan jaahilnimo iyo diin la,aan xad dhaaf aheyd oo xiligaas heysay daraadeedna la soo shir tagay magacyo dulmi iyo ilaah ka fogaasho iskugu jiray. sideedaba umadi hadeyba muslin tahay wadana ka dhaxeeyo oo ay umadaas leetahay calan iyo luqad ay ku wada hadlaan, waxaaba qalad aheyd in lagu mashquulo xumaan aanba loo baahaneyn.Waxaan kii  kabaha ka shaqeysanayey u bixiney magac aanla aqoon meel uu ka yimid iyo meel uu Diinta Silaamka ka soo galo. Kii Birta Tumaye waxaanu u bixiney magac kas ka daran. Kii Xoolaha qalayey waxaanu u bixiney magac kale, Kii Dhismaha oo aduunyadan aanu maanta joogno ka ah farsamo lagu faano waxaan ka dhigney wax ay qabtaan dad goyni ah. Kii Musqulaha qoda ama shaqeysta waxaanu ku caayi jirney farsamadiisa.waxaa taas ka sii darnaa iyagoo aan muslinimadooda hubnay oo waliba Somalinimada uga horeeyey umada intooda kale ayey Guurkii xitaa ku cariiriyeen halka ay qosol aan jirin iyo derisnimo been ah kula noolaayeen.Waxaasi oo dulmi ah yaa ka masuul ahaa maxeysa kuwii arintaas foosha xun ku dhaqaaqay oo midab tagoorkaas ku sameeyey qaar shacabkeena ka mid ah ay maanta hayaan?
 
Dabcan hadaanu nahay umada Somaliyeed waxaanu caado ka dhiganay inuu qofku banaanka ka sheego wax aan uurka ka jirin. Qabiilooyinkii xiligii barisamaadkii isku arkey kuwa ugu badan shacabka Somaliyeed oo midab takoorka ku sameyey walaalahaas Somaliyeed maanta iyaga ayaa ugu liita umada Somaliyeed.
 
1-marka aad maanta u guurgasho inta badan qabiilooyinka waaweyn ee Somaliyeed caruurtooda iyagaa ugu liita sida iney qurbaha caruurtooda ku guursadaan dad aanba isku diin aheyn, xabsiyada ayey ka buuxaan, waxkasta oo xumaan ahaa oo ay ku timaami jireen dadkaas la duliyey qaarkood iyagii ayaa sameyey.
2-Ilaa maanta ma yaqaanaan waxa ay isku dagaalayaan oo bur bur iyo halaag ayuu ilaah la doontay kuwii dulmigaas sameeyey.
3- 2010 waxey aheyd in qalaladaadkii hore la saxo oo laga qaax mariyo walaalahaas muslinka ah walito qaar badan ayaa xitaa hadey waxii hore loo sameeyey ay dulmi ahaayeen walito ku dhagan oo cadadii hore ee foosha xumeyd ku dhagan.
 
Hadaba hadaan u soo laabto ciwaanka qoraalka Dalka iyo dadka sidee lagu bad baadin karaa, Yaase maanta nasab ah?Xaqiiqadu wey cad tahay waxaa maanta nasab ah qofkii dadkii hore loo soo dulimiyey ka dhashay, waayo waligood wadanka iney wax u taraan maahane waxbo uma dhimin.Waxaase dalka iyo dadka lagu bad baadin karaa in cafis guud la helo oo walaalahaasne raaligalin buuxdo laga siiyo dulmiga aan dhibtiisa aragney, Iyaguna madama xiligii dulmigaas dhacayey madama dadku inta badan anigoo kale yahay oo aysan xiligaas joogin in walaalaheen aduunyada meelkasta oo ay ka joogaan wadan wadan iyo shaqsi shaqsi lagu raali galiyo si mugdiga iyo niyad jabka aysan muteysan aan uga baxdo.Masuuliyadaasne waxaa looga fadhiyaa jiilka cusub ee Somaliya u soo baxayo qaasatan kuwa dadoodu u dhaxeyso 18 sano ilaa 41 sano.Waxaa kale oon dulmi u arkaa waxa lagu qoray tastuur beenaadka oo ah 4.5 war xagee aniga ku noqday shaqsi dhameystiran oo walaalkey Somaliyeed ku noqday mid aan dhameystirneyn maxaa Somali hadaanu nahay naga qaldan? Awaay diinteenii sharafta badneyd ee umada simi jirtay? Awaay jiritaankii Somalinimo? Away damiirkii  ISlaanimo? Miyeysan xaq aheyn in aanu ka hadalno arintaas foosha xum oo waliba ah dulimigii hore u jiray oo la casriyeyay.
 
Mar aan hore uga hadlay barnaamij ka hadlayey 4.5 oo laga siidaayey TVka Universal ayaan aad ugu riyaaqay sida jiilkaan cusub ee Somaliyeed waxkasta oo xumaan ah in la joojiyo diyaarka ugu yahiin, laakin dadka hore u batay maxaa ka si ah koormeysa maskaxdoodu ka dhaqmeysaa xumaanta aan qiilka loo heyn?Wax dalka wuu naga wada dhaxeeyaa waana dal hodan ah oo dhamaanteen qoys kasta oo Somaliyeed 200 oo mitir  Squere ah oo u noqon karto guri iyo beer uu ka shaqeysto ayuu helayaa ee aanu ilaah ka cabsano oon bal is xisaabino intaan nala xisaabin.waxaa kale oon kula talinayaa dhalinta Somaliyeed ee arimaha Somaliya wax ka qora ama websideyada Somaliyeed iney umada isku soo dhaweeyaan oo ay hormuud u noqdaan sidii dalka iyo dadka loo bad baadin lahaa. waana lama huraan in dhalinyaradu xal midka hada taagan ka duwan la yimaadaan..Anigoo fursadaan ka faaideysanayo waxaan halkan ka raali galinayaa dhamaan walaalaha Somaliyeed ee dulmiga aysan muteysan lagula kacay. walaalayaal Somalinimo, Islaanimo iyo dal jaceyl idiinka idiinkama sokeeyo waxii hore loo soo maray markaan dib ugu laabtay ma aheyn wax wanaagsan oo dad muslinimo sheeganayo laga sugayey iney ku dhaqaaqaan marka si aan dhamaanteen u guuleysano waa in aan dalka iyo dadka sidaan ku bad baadin laheyn ku talo galno.
 
howlaha aan u kala qaadno sidey u kala horeeyaan.1- Shaqsi kasta oo maanta wax fahmayo xooga ha saaro sidii tastuurka wadanka u degsan looga saari lahaa 4.5 ma u baahno in laga shiro arintaas waa waajib In dowladu ku dhaqaaqdo hadii aan taas xal waara laga gaarin waxaa imaan doonto baarlamaanka hada la dhisayo in ay qaar damiir laawa yaal ah soo jeediyaan in qabiilada 4 ka ah meel goyni ah fadhiistaan kuwa .5 ahne meel hoose fadhiistaan sidaasina dulmigii uu ku sii socdo.
2- In aan kooxahaan ujeedooyinka guracan wata aan meel uga soo wada jeesano madam aysan Diin shaqo ku laheyn marba hadey qaarkood gubayaan calankii umada Somaliyeed ee ahaa midka jiritaankeena u sabab ah.
 
3-In Kacdoon shacab dal iyo dibad laga sameeyo si loo abaaro xalka rasmiga ah.
4- In dhamaanteen aan joojino lacagaha biilka ah ee aanu u dirno shacabka gudaha ku nool ee aanu inagu laabano si iyaga iyo inagu aan dalka u dhisno, ileen qofku haduu biil waayo xal uu ku noolaado ayuu raadinayaaye.
 
Gunaanad iyo gabo gabo dalka cidna uma maqna ceelna uma qodna marka xalinta mushkilada Somaliya waa wax dhamaanteen noo wada yaala cid kor uga imaaneyso ma jirto oo dejineyso kuwa kor kaka imaanayo waa kuwa aan ku nool nahay dalalkooda oo ujeedo fog ka leh wadankeena.waxkastane aan tanaasul iyo Somalinimo ku saleyno si dhibtaan aan deg deg uga baxno wadankane si aan colaadahii 20 jirsaday ugu soo gabsano waa inaan Iskaa wax u qabso ugu shaqeeyno si aan uga mid noqono umada caalamka ku nool ee dalkooda iyo dadkooda ka bad baadsaday loolankaan caalamka ka jiro.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi KHalif

Dowlada iyo Hasan Daahir oo heshiis hoose dhex maray

posted 13 Feb 2010 05:00 by admin Hiiraanpost


Dhibaada ugu weyn ee dalka Somaliya maanta ka jirto waa iyadoon kitaabkii loogu dhaqmeyn sidii uu ilaah ugu talo galay. Hadii aan kitaabka ilaahey loogu dhaqmin sida uu yahay waxaa imaanayo in lagu deg dego waxkasta ee uu ilaah xaaraantinimeyey. Hadaba wada hadalo hoose oo maalmahan u socday dowlada iyo Hasan Daahir Aweeys ayaa ugu danbeyn lagu heshiiyey in Col Hasan Daahir iyo ciidankiisu ay ka dhax baxaan meelaha ay Shabab joogaan oo ay meelo cayiman soo dhaafin marka uu qarxo dagaalka kooxada Shabab looga sifeynayo dalka Somaliya.Laakin Colonelka ayaa dowlada ku wargeliyey inuusan muwqifkiisa dhinaca idaacadaha waxbo ka bedeleyn madama dhaqaalaha isaga soo gala uu ku helo mucaaradnimada uu dowlada mucaaradka ku yahay.
 
Hasan Daahir waa ninka kaliya ee Shabab dhulka la gali doona sababtuna waxey tahay.
 
1- Ururka Shabab waxaa ugu jiro dhalinyaro beelaad la siiyey telefonada gacanta oo Shabab ka mid ah oo qabiil kasta leh, waxeyna u soo gudbiyaan arimaha ururka Shabab halka ay marayaan.
 
2- Waxaa saacidayo xarumaha isagaarsiinta oo ay inta badan gacanta ku hayaan ama ay leeyahiin shaqsiyaad beeshiisa ah oo marka ay runta timaado waa isku ujeedo.
 
3-Hasan Daahir  waxuu og yahay hadii Shabab meesha laga saaro isagu inuu shacabka kasban karo, waa sida uu iska dhaadhiciyey.
 
Arinta ugu xiisaha badan ayaa ah mar Hasan Daahir rag dowlada ka tirsan oo la kaftamayey ku dhaheen maxaad ururka Shabab ku naceysaa sow wadaado diinta yaqaano maahan? Waxuu yiri adeer inta ay Calanka Somaliya gubayaan aniga dhibteydu waa i qarso.
 
Waxaan hore wax ugu qorney in ururka Xizbul Islaam yahay urur qabiil ku dhisan oo shacabka Somaliyeed ku xasuuqa qaab aan qabiil ka marneyn, dhawr sitimaan kedib waxaa ururkii iskaga baxay Xasan Turki iyo dhamaan ciidankiisii halkaasne uu ku bur buro ururkii Xizbul  qabiil Wal Aweeys looga yaqiiney meelo badan oo dalka ka mid ah.Hadaba Somaliyey oday hasan Daahir howsha culus ee uu umada Somaliyeed u hayo waa loo baahan yahay madama dowlada iyo isaguba ay isku si ula dagaalamayaan cadawka umada Somaliyeed oo ah ururka Al Shabab, hadii aad aragtaan madaxweyne Shiikh Shariif iyo Hasan Daahir Aweeys oo isla fadhiyo maalmo dhaw yaan la beeneysan oo idaacadaha ka leh Hasan Dahir waa Shariif, Shariifne waa Xasan iyo wax la mid ah.
Waxaa kale oo iyaduna lagu heshiiyey in marka uu dagaalku dhaco idaacadaha Mogdisho qaarkod laga dhaadhiciyo in Hasan Daahir ka dhoofay wadanka. waxaa kale oo ka mid ah in odayga Xaafada Xamar weyne qeyb ka mid ah la dejiyo marka la dareemo in Shabab laga awood roonaaday ama la dareemo in inta badan awooda Shabab la bur buriyey.
 
Heshiiskaan ayaa waxaa ka shaqeynayo wasiiro ay ka mid yahiin wasiiru dowlaha gaashaandhiga, wasiirka Maaliyada iyo wasiirka arimaha gudaha.Si kastaba Hasan Daahir, dowlada iyo Ahalu Suna waljameeca dhamaantood waxey qatar u arkaan ururka Shabab, sababtuna waa Calanka Somaliya oo ay gubayaan iyo iney dalka u gacan galiyaan umado shisheeye ah oo danbiyo kala duwan ka soo galay wadamadooda.
 
Laakin Su,aasha isweydiinta leh ayaa ah dowlada, Hasan daahir iyo Ahalu Suna iyagu ma is aaminsan yahiin mise midkasta waxuu is leeyahay midka kale ku dangaar?Jawaabtu wey iska cad tahay. Ma jiro mid midka kale raba ama wax u ogol markey Shabab meesha ka saaraane iyagaa inta dalka ka hartay bur burin doona waayo koox kasta dowlado shisheeye ah ayey dabada ku wadadaa. sabatoo ah.
 
Dowlada Shiikh Shariif
 
Dowlada Shiikh Sharif ma ahan dowlad ay caalamka wax la wado waa uun la madadaalinayaa inta waqtigiisa ka dhiman. waayo hadii aduunku taageersan yahay dalka oo dhan ayaa loo qaban lahaa oo ciidamo caalami ah ayaa la keeni lahaa wadanka.Laakin aduunyadu dano fog fog ayey wadanka ka leeyahiin ma doonayaan iney ciidamo geeyaan wadanka.Laakin hadii madaxweyne Shiikh Shariifmaanta inta idaacadaha yimaado yiraahdo hadaan dowladeyda laga saacideyn waxa ay u baahan tahay waa iskaga dagayaa xilkaan aan hayo wadankane kooxdii qabsaneyso ha qabsato. Isbedel siyaasadeed ayaa aduunka laga dareemi lahaa kadibna xalka Somaliya wuu soo deg degi lahaa.Laakin taas shaqsi muwaadin ah oo u naxayo caruurta iyo hooyooyinka geedaha hoostooda jiifa aya laga heli karaa.inta badan dowladaha caalamka waxey hayaan hadalo madaxweynaha hore looga duubay xiligii uu dowladii isaga ka horeysay mucaaradka ku ahaa, waxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee uyeeray kooxahan jihaad doonka ee dalka iyo dadka maanta dhibaatada la daba taagan. marka aduunyadu waxey isweydiineysaa ma shaleyto ayuu saxsanaa mise maanta?waxaa kale oo aduunyadu isweydiineysaa hadii shaleyto Ethiopian cadawka umada Somaliyeed aheyd markii xilka madaxweynenimo la qabtay ma waxey noqdeen Malabka umada Somaliyeed? Waxaa taas ka sii daran sanad kasta United Nationka Shaqaalaheeda ku sugan dalka Kenya waxaa ku baxda 3Billion Dolar lacagtaasne Somaliya ayaa loogu talo galay xagee ka baxdaa? Maxaase loo waayeye dowlad ka hadasha oo tiraahdo magaca Somaliya dhaqaalaha ay UN ka ku cunto ha joojiso. Maxaa loo wayey dowlad aragta 500 ee guri ee Nariobi laga kireystay oo NGOyada xafiisyada ka dhigteen oo midkasta Calanka Somaliya isticmaaleyso, miyeysan dowladu ka hadli karin arimaha qaarkood lagu bahdilayo shacabka Somaliyeed.mise hadii UNDP mushaarka dowlada bixiso masuuliyad kale ma jirto?Aan u soo laabto Hasan Daahir.
 
Hasan Daahir Aweeys.
 
Sidaan u ogahay inaan waqti kasta dhimanayo ayaan u hubaa inuusan Hasan Daahir Aweeys dalka Somaliya uga noqoneyn madaxweyne Somaliyeed waayo qofka waxaa jiro calamado lagu garto inuu dal dhan hogaamiyo.1- Ma ahan muwaadin Somaliyeed oo sax ah waa qabiiliste shaqsi qabiiliste ahne dal dhan ma hogaamin karo.2- Iska daa inuu dal hogaamiyee ma mideyn karo  Galinsoor, Cadaado iyo Dhuuso- Mareeb shacabka ku nool, laakin wey u sahlan tahay inuu dad aan dhalasho ahaan Somali ugu sokeyn inuu afka ka dhaho waa idin mideynayaa sida Mujaahidiinta hala mideeyo iyo wax la mid ah.3- Marka dib loogu laabto dhacdooyinkii soo maray umada Somaliyeed xiligii dagaalada sokeeye waxaan marnaba la iloobi karin biyahii wabiga ee laga iibiyey shacabka Sh/hoose dulmigaas raali ayuu Hasan Daahir ka ahaa xiligaas sidaasi daraadeed lagama yaabo inuu dalka Somaliya hogaamiye ka noqdo. wax kasta waa macquul laakin waa sidey aniga ila tahay.
 
Ahalu Suna waljameeca
 
Hadaan Ahalu Suna sidey wax ku wado uga hadlo waxaa laga yaabaa in ley arko inaan iyaga mucaarad ku ahey laakin bal aan waqti siino. madaxweyne Shiikh Shariif oo ah nin ahalu diin ah oo muslin ah oo ay isku af, iyo diin iyo midaba yahiin hadey intey ugu tagaan Villa Somaliya oo waxaan ayaan kaa tabaneynaa dhihi waayeen, bal aan arago Ethiopia oon ku af aheyn, diin aheyn, ku dan aheyn shirka ay Adis Ababa ugu qabatay halka uu ku danbeeyo(I'm sorry culimadiinkii Somaliyeed waxa ku dhacay iyo halka u danbeysay)marka Ahaluna qoraladan ka sameyn lahaa dib ayaan u dhigayaa.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif
 

Qabiilka Xawaadlaha maxuu kaga duwan yahay qabiilada kale ee Somaliyeed?

posted 11 Feb 2010 09:29 by admin Hiiraanpost


Tan iyo markii ay dalka ka curteen kooxo diimeedyadan waxaad maainba maalinta ka danbeysa maqleysaa waa la jihaadayaa,hebel waa Mujrim, reer hebel waa gaalo iwm. hadana shacab badan ayaa waxey isweydiinayaan waxa maalinba maalinta ka danbeysa kooxahii jihaad doonka ahaa ku qasbayo iney idaacadaha inta yimaadaan hadane leh beesha Xawadle iyo urur hebel ayaa heshiiyey. waxaanu xog rasmi ah ka soo aruuriney qaabka ay kooxahaan u shaqeeyaan.
 
Sideedaba marka urur la dhiso ururkaasi waa inuu noqdaa mid ujeedadiisu ay cad tahay inta markaasi dhistane ay ku talo galaano xumaan iyo samaan waxii ka yimaado, laakinse mar kasta aan laga weecin ujeedada loo dhisay. Hadaba qabqablayaashii dagaal waanu garanay oo midkasta inta uu waxoogaa hub ah sameystay ayuu ciidamo beeshiisa ah dhinacyada iska xejiyey.Waxaa qabqablayaashii ku soo xigay urur diimeedyo ay ugu horeysay Maxkamadahii bur buray oo ay hogaaminayeen Al-Itixaad. waxaa kale oo ku soo xigay Shabab oo leh wax qabiil layiraahdo ma jiro kitaabkaas ayaanu wax ku xakumeynaa.Waxaa kale oo jiray urur u shaqeynayey qaabkii hogaamiye kooxeedka hadane magac diin loo galiyey Xizbul Islaam.
 
Aan ku hormaro Shabab.
 
Ururka Shabab oo ay Somali badan ka cabsan jireen ayaa tan iyo markii ay Xabadii ula soo dhaqaaqay gobolka Hiiraan wax weyn iska bedeleen.dalka intiisa kale si sahalan ay shacabkooda iskugu dhiibeen uga qabsadeen.Waxeeyse waxkasta isbedeleen kedib markii ay danahii ay gobolka Hiiraan ka lahaayeen ugu suuroobi weysay oo xitaa wax kaleba iska daaye ku adkaatay iney si xor ah u isticmaalaan wadada isku xirta magaalada Bulo Burte iyo Ceel-Buur oo xiligaas muhiim u aheyd iney isticmaalaan, Ninka ragaa lama xaqiro Shabab waxey isku dayeen iney xoog isticmaalaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Maxaas oo ay xiligaas sheegeen iney ku qabsanayaan dhawr saacadood, laakin arintu waxey noqotay sidii ilaah ugu talo galay waxey ku qaatatay 8 bilood oo waliba malina iyaga laga saaro maalin dhalinyaro deegaanka ka soo jeedo ilaa markii danbe ay ku wayaan Cali Sandhere iyo 9 ka mid aheyd saraakiisha Shabab ee loo diray soonahaas iyo ciidamo aan qiyaas laheyn.Xalkuse maxuu noqday in Shacabka Somaliyee hal mar dhegahooda ku dhaco waxaa heshiinayo kooxdii jihaad doonka aheyd iyo beesha Xawaadle.Somaliyey hadalkaas u fiirsada waxa maanta dhacayo waa wax taariikhda gali doono.Shabab idaacadaha ayey yimaadeen waxey yiraahdeen waxaa maanta heshiis dhax maray "Xarakada Shabab iyo beesha Xawaadle" Shabab wiilasha Maxaas kula dagaalay hub uguma imaan dibada dowlad ka saacideyso waxa ay markaas u baahan yahiina ma jirin laakin waxaad isweydiisaa urur ilaa Al-Qaida aysan dhaqaalahiisu kala goin inuu yiraahdo qabiil ayaanu la heshiiney.Taas Somalida ayaa jawaabteeda laga doonayaa ileen nimanku jihaad doon ayey ahaayene maxaa qabiil u soo celiyey? Maxaase beesha Xawaadle ka dhigay beeshii ugu horeysay ee si toos ah ay Shabab u hor fadhiistaan.waliba ilaa maanta waxey doonayaan in ay beesha hor fadhiistaan oo waxgaradka beesha loo raadiyo si loo soo af jaro mugdiga ururka Iyo Beesha dhex yaala.
 
Waxaa kale oo maalmahan dhegaha Shacabka ku soo dhacayo shaqsiyaad walito isticmaalayo magaca Xizbigii bur buray ee Oday Aweeys oo ku sugan gobolka Hiran oo leh waxaanu heshiis ka dooneynaa beesha Xawadle iyo waxaan heshiis la galaney wax garadka beesha iwm. Hadaba shirkaan ay Somalidu idaacdaha ka maqlayaan ee la leeyahay Xizbul Islaam Hiiraan iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiran ayaa kulmay ayaan wax yar ifiiminayaa. Somalidu waxey tiraahdaa nin weyn wadkiisa wuu yaqaanaa.Shirkaas marka laga soo tago sida loo reer magaaley waxuu si toos ah u dhex maray beesha Xawaadle dhexdiisa ma aheyn shir ay shaqo ku lahaayeen urur ama ganacsato. waxaana codsaday shaqsiyaad ay ka mid yahiin Maxmaed Weheliye, Shuuriye nin magaciis lagu sheegay Shariif, ujeedadu waxey aheyd sidii culimada beesha Xawaadle ee groupyadan ku fikirka ah loo mideyn lahaa sida kuwa Ahalu Suna, Xizbul Islaam iyo Shabab. waxaa kale oo iyadana meesha looga hadlay cida ka danbeysay hoobiyayaashii lagu garaacay magaalada Belet weyne dagaladii ka dhacay halkaas. waxeyna si sharaf leh ragii Xizbul Islaam xiliga ay arintaas dhaceysay ku fikirka ahaa sheegeen shaqsiyaadkii sida tooska ah ugudanbeeyey magacyadooda.
 
Kooxahii jihaad doonka ahaa ee waliba lahaa qabiil ayanu dalka ka tirtireynaa oo ninka Bakistaan ka yimid iyo minka Somaliya ku dhashay ayaanu mideyneynaa jihadkoodii waxuu ku soo aruuray beesha Xawaadle iyo Shabab ayuu heshiis  dhex maray.Xizbul Islaam iyo Xawaadle ayaa heshiiyey.Xiligii berisamaadkii ayaan maqli jiray hebel Visa I-20 ayuu heley America ayuu aaday hada maanta waxey Somaliya mareysaa jihaadkii siduu u soo socday markii uu Hiiraan yimaado hadii waxkasto leysgu dayey oo 200 oo ruux oo beesha Xawadle ah siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka Hiiraan, in maanta ay iska noqoto wax lagu fano waxaanu la heshinay waxgarad beesha Xawaadle ah inta idaacadaha la yimaado.Walee kii rag ahaa idaa kukuma daayo aan isdeyno maahane.Somali been ma maahmaahdo
 
Bal aan sugno Culimada Ahalu Suna iyaguna.
 
Jihaadow Xaal qaado hadiba dad muslim ah la gaaleysiinayo,Calanki uu dalku lahaa la gubayo, shacabkii jirkooda xubin xubin loo googooynayo.war dalkaan oo Shabab laga cirib tirin nabadi ma dhawa.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif

Ururka Shabab oo ku hangoobay shacabka Kismaayo

posted 10 Feb 2010 12:10 by admin Hiiraanpost


Ururka Shabab oo maalmahan dadaal ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen dhalinyaro badan oo ay u isticmaalaan colaadahan ka soo cusboonaaday  magaaladada Mogdisho iyo gobolada u dhaw dhaw ayaa waji gabax kala kulmay shacabka ku dhaqan Kismaayo.dhawrkii maalmood ee inadhaaftay shacabku waxey noqdeen kuwo magaalada uga baxa si dhuumaaleysi ah oo inta badan u qaxa dhulka miyiga ah si aysan dhibaato u soo gaarin.Ururka Shabab ayaa hal mar ka warhelay in magaalada 40% shacabkii ku noolaa ay magaalada ka baxeen, waxey saacadahii ugu danbeeyey  isticmaalayeen babuur lagu rakibay cod baahiye waxeyna ku dhawaaqayeen.
"Jihaadkii aanu idiin sheegi jirney wuu yimid waa in aanu ku jihaadno gaalada si aanu janada u galno" dabcan gaalada ay ka hadlayaan waa shacabka Somaliyeed inta aan fikirkooda aaminsaneyn.
 
Ururka Shabab waxey hada xaaladiisa u muuqataa neef gowracan geed kama waabto, waxey lumiyeen taageeradii  ay ka heli jireen tiro yar oo shacabka ka mid ah oo awalba cabsi daraadeed u taageersanaa.Koox kasta oo sharafta iyo jiritaanka umada Somaliyeed meel ugu dhacda waxey ku danbeyn doontaa sida Shabab oo maanta meelkasta xabad loogala soo horjeedo.Abuu Mansuur Robow oo ka soo horjeestay in gobolada Bay iyo Bakool dagaal ka dhaco ayaa dhamaanba ciidankii Ajaanibta ahaa ee goboladaas joogay ka soo saaray Bay iyo Bakool si ay shacabkiisu u nabad galaan.waxaana magaalada Baydhabo maalmo dhaw la wareegi doono xildhibaano Digil iyo Mirif u dhashay oo dhawaan gaarayo halkaas. magaalada Baydhabo ayaa waxaa guud ahaan la wareegi doono nin magaciisa lagu soo gaabiyey Saransoor oo horey ugu mid ahaa jabhadii RRA.
 
Ciidamada xaleyto  gaaray Mogdisho oo saldhiga ka dhigtay Dayniile  waxaa sabab u ahaa kedib markii waxgaradka Bay iyo Bakool oon walita iloobin xasuuqii 1995 shacabkooda ka soo gaaray dagaladi sokeeye ka codsadeen Abuu Mansuur inuu ciidamadan Shisheeyaha u badan ka saaro goboladooda si shacabku u nabad galaan, ayaa ugu danbeyn lagu guuleystay in ciidankaan loo diro Mogdisho ama xarunta Dayniile halkaas waxii ay bur burinayan hala aadeen ayaa ka mid ahaa hadal kooban oo odoyaasha baydhabo laga hayo. Abuu Mansuur oo ka war helay in dhawr magaalo oo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo hawada laga duqeyn doono 48 saac inagu soo aadan, sidaasi daraadeedna codsiga shacabka u fuliyey. laakin ciidanka Mogdisho yimid waxaa la dejiyey xaafada Daybiile.Dayniile iyagu shacab ma degana miyaa oo guryo iyo hanti bur bureyso kuma taalo miyaa? Abuu Mansuur kuleyl kuma hayo miyaa shacabka Dayniile ku nool ee uu ciidanka uu shacabkiisa ka soo fogeyey u soo diray iyagu xaquuq Somalinimo kuma lahan miyaa?Cali Dheere intaas uu Abuu Mansuur gartay ma garan waayey? Ujeedada Dayniile loo geeyey ciidaanka waa in ay ciidamda Amisom iyo dowladuba duqeeyaan degmada Dayniile iyo nawaaxigeeda si loo bartilmaameedsado Isbitaalka weyn ee Dayniile iyo guro qur qurxan oo ay qaar qurbo joogta ka mid ah ay xaafadaaas ka dhisteen sanadahii ina dhaafay.Laakin reer Dayniile ma waayeen rag sida Abuu Mansuur ula dabaaqtamaa Godane iyo Fu,aad la dabaaqtama oo meel fog wax ka arka?Mise arintu dhaqan xumadii Hawiye kama marna?
 
Guud ahaan ururka Shabab ciiidanka ka jooga dalka Somaliya waxuu gaarayaa 2350 marka lagu daro 1200 ajaanib soo gubay ama danbiyo ka soo galay wadamadooda oo doonayo iney shacabka Somaliyeed dhibaateeyaan si ay gabaad ugu dhigtaan dalka.Waxey ajnabigaan si qasab ah ku guursadaan dumarka Somaliyeed si ay wadanka xaquuq ugu yeeshaan, waa sidey iska dhaadhiciyeene.dhibaatada ugu badan ee caruurta Somaliyeed ee kooxahaan ku biira ay la kulmaan ayaa ah in la duro ama la daroogeeyo si dhaliyaradaas xitaa hadii waalidkood ka hor yimaado ay u dilaan ama u gaaleeyaan.
 
Ururka Shabab waxey dalka Somaliya u yaqaanaan Freeland, waxey ka soo horjeedaan in shacabka iyo dalka loogu yeero umada Somaliyeed ama dalka Somaliya. Waxey si arxan daro ah u gubeen astaantii uu dalku lahaa Calanka Somaliya.waxey ku caasiyeen culimadii iyaga wax soo bartay Ahalu Suna. waxey dowlado shisheeye ah ka iibiyeen qaar ka mid ah lafahii culimada Somaliyeed ee dalka caanka ka ahaa iyagoo faagay qabuurayaashii  lagu aasay boqolaal sano ka hor. waxey karaamadii ka qaadeen waxgaradkii Somaliyeed ee bulshadooda ku lahaa ixtiraamka iyagoo ka dhigay wax ay dilaan, barakiciyaan, u hanjabaan. sidaasi daraadeed Shabab in meelkasta lagala dagaalamo oo dulinimada ay shacabka iyo dalka ku hayaan leyska qabto waa lama huraan.
 
Arinta ugu xiisaha badan ayaa ah iney inta badan ka baxeen gobolada Bay, BakoolHiiraan iyo qeybo ka mid ah Sh/dhexe oo baro  cayiman  oo kaliya ku reebeen ciidamo tiro yar, iyagoo awood beenaadka ay sheegtaan iskugu geeyey Mogdisho.Sida muuqata shacabku sidii hore maahan halka markii hore meelaha ay joogaan ciidamada Shabab shacabku joogi jireen hada ma jirto arintaas meesha ay Shabab tagaanba shacabku wuu ka qaxayaa arintaasne hada waxey ka bilaabatay magaalada Kismaayo.Mid ka mid ah Shacabka Kismaayo oo ay hore gacanta uga jareen kooxda Shabab ayaa yiri "Ninkii dhoof ku yimid iyo intii ay Shabab qaldeen ayey maanta geeridu dhibeysaa, duligii dhamaayoo shacabku wey dhaqaaqi doonaan" isagoo waliba ilmeynayo oo ganactiisa markii la jaray la suray bartamaha magaalada Kismaayo. Waxuuna hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey kuwii gacanta ika jaray marka laga guleysto ayaan aniguna guuleysan ee dalka aanu ka difaacano diinlaawayaasha ayaa hadaladiisa ka mid ahaa ninkani dhalinyarada ah oo ay Shabab qeybo ka mid ah jirkiisa gooyeen isagoo ahaa nin dhalinyaro ah oo ka xamaasha gudaha magaalada Kismaayo.Laakin isagu waxuu isku heystaa inuu ka nasiib badan yahay dhalinyaro badan oo Somaliyeed oo Lug iyo gacan is dhaaf ah laga jaray oon maanta shaqeysan karin halka uu isagu aaminsan yahay hadii dalkaan laga sifeeyo kooxahaan diinta ilaahey ka beensheega inuu rajo ka qabo in dib u shaqeysanayo.Laakin waxuu rajo xumo ka muujiyey hadii kooxahaan dhawr bilood oo hada kedib ah dalka sii joogaan ay adkaan doonto sidii dalka iyo dadka loo badbaadin lahaa.
 
Dalka iyo dadka waxaa lagu bad baadin karaa kacdoon meel kasta ah oo lala galo kooxahaan Calanka iyo jiritaanka umada Somaliyeed ka soo horjeedo.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif

Shabab oo dabargoyn ku heysa shacabka Soomaaliyeed

posted 9 Feb 2010 06:57 by admin Hiiraanpost


Ururka Shabab oo ah ururkii ugu horeyey ee meel fagaaro ah ku gubay Calankii u lahaa dalka Somaliya ayaa hada shacabka Somaliyeed kula jiro dagaal aan indhaha laga qabsan karin.Tan iyo waxii ka danbeeyey markii ay Shabab wadanka ka dajiyeenCalanka Somaliyeed oo ay la soo baxeen Calankaan madow, ayaa waxaa hal mar indhaha umada Somaliyeed ku dhacay in ururkaani yahay urur qatartiisa leh ahne urur laga hirgaliyo dalka Somaliya midkii ugu xumaa. waxaana dhamaan lagu tiriyaa inta ururkaan ku  midowday ee Somalida iney yahiin kuwii umada ugu jaahilsanaa marka dib loogu laabto kacdoonadii ka horeeyey ee dalka ka dhacay.
 
Calanka Somaliya oo la gubo waa wax ku cusub umada Somaliyeed, waxeyna arintaas noqon doontaa in raga Shababka ka tirsan ee Somalida ah waxiiba dhinta waa dhinteen laakin kuwooda dalka ku noolaandoono lagu maxkamadeyn doono arintaas marka ay Somali dhibtaan hada heysta ka baxaan.
 
Bal Somaliyey is weydii maxaa Shabab u diiday intey calanka uu dalku leeyahay oo ah astaanta lagu garto umada Somaliyeed intii ay gubi lahaayeen in ay dusha sare uga qoraan Ilaaheyow adiga mooyee ilaah kale ma jiro iyo rasuulkeena Muxamed NNK ha ahaatee oo ah qeyrul qalqulaah. amaba Calanka madow inta ay ku qoreen maxaa u diiday in ay Calankeena ku dul qoraan intii ay gubi lahaayeen?
 
Waxaa taas ka daran shacabkii intii ay dileen iyo inta ay meelaha ay ka taliyaan ku gumeystaan marka laga soo tago waxey dhibaato aan yareyn ku hayaan intii u qaxday wadamada deriska nala ah sida East Africa, Yemen iyo waliba kuwo dalka ka fog. sida South Africa iyo bariga dhexe.waxaad la socoteen dalka Yugandha shacabkii u qarax sidey u dhibaateeyeen oo ay dowlada ugu direen iyagoo leh waanu ku duuleynaa.Waxaad ogeydeen dalka Yemen oo shacabka Somaliyeed ee ku nool ay dhibaato nololeed oo dhinac kasta leh ku heysatay halkaas sida xerooyin ay ka mid tahay Al Jaxiima in ay dowladii ku diraan oo ay dhahaan waxaanu dagaalka ku caawineynaa Al-qaidada Yemen oo xukumada dalka ka jirto dagaalka kula jirto.
 
Waxaad aragtaan dhibaatada shacabka ku dhaqan dalka South Africa lagu hayo oo la leeyahay dad ay Shabab u dirtay wadankaas ayaa isku diyaarinayo iney wadankaas qaraxyo ka geystaan. Waxaad aragtaan Shabab ineysan jirin cid ay ciseynayaan umada Somaliyeed oo ay wax ka maqlayaan xitaa  umada Somaliyeed iska daaye.Ilaahii abuuray ma ciseeyaan waayo hadey ilaahey ciseynayaan umada Somaliyeed oo colaado 20 jirsatay hore ugu soo daalay maanta xubnaha jirkooda jidadka ma suri laheyn.Diinta Islaamka waa diin nabadeed ma ahan diin sida ay Shabab iyo Al-qaida u isticmaalayaan loogu talo galay. Dumarka Somaliyeed xoog ayey ku guursanayaan xitaa waqti ay ninka iyada guursanayo ay ku tiraahdo kuma doonayo iyo waan ku doonayaa lama siinayo waxey uun maqleysaa muslimiinta ayaad badineysaa sidaas daraateed waxaanu ku siinay mujaahid hebel. Mujaahid hebel hadii uu dagaaladan ku dhinto xitaa ma taqaano cunuga uu gabadhaas Somaliyeed ka dhalo wadanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, Carab, African, Asiyan, waxeyna noqoneysaa in uu cunugaasi mustaqbalkiisa noqdo( Ilmo aabahood hadii la waayo abti looma waayo taas micnaheedu tahay inuu cunugaas ku abtirsado qabiilka ay gebedhaasi Somaliyeed ka soo jeedo)
 
Waxaasi oo dhan waxaa ka sii daran dhiiga muslimiinta ayey  xalaaleysteen gaaladana wey ka cararayaan, hantida shacabka waa u xalaal oo waad aragtaan xaafada Kaaraan ilaa shaleyto waxa ay ku hayaan oo ay waliba iyagoo bililiqo ku hayo guryo ay leeyahiin dad aan waxbo galabsan oo ay qaarna dileen qaarna qaxiyeen iyagoo leh waa qaniimeysi.Laakin guusha ugu weyn ee ay umada Somaliyeed helayaan ayaa ah in manta la yaqaano qabiilkasta inta qof ee kaga jirta ururka Shabab ama ha noqdaano kuwo dagaalka wada ama ha noqdaano kuwa dhinaca dhaqaalaha ka saacida. Shabab iney shacabka sidaan dal iyo dibad ugu dhibto waxaa sabab u ah iyadoo lumisay taageerada shacabka,waxeyna isku dayeyesaa iney shacabka qaabkasta kula dagaalanto mar hadii la nacay.
 
Qaabkee Shabab looga hortagi karaa?
 
Ma u maleynayo in dowlad walaa Ahalu Suna, walaa Hasan Daahir Aweeys iyo wiilasha magaca diinta loo ekeysiiyey oo qabiilka qayaxan ah meesha la yimid iney Shabab wax ka qaadi karaan.Dowlada iyo Ahalu Suna Galgaduud waxaa lagu leeyahay waa la heshiishiinayaa oo Adis Ababa  ayey ku kulmayaan Dowlada. Ethiopia sow lagama yaabo in ay calaa qaad la yeelan karto shaqsiyaad Shabab ka mid ah madama Ethiopia mar hadiiba Somali ay Xabad isku rideyso ay guul u aragto?Sow uma eka in Ethiopia aqoonsaneyn dowlada Somaliya mar hadii ay Ahalu Suna Galgaduud hub iyo siyasad la daba taagan tahay? Maxaa u diiday Ahalu Suna hadeyba diinta iyo dalka ka naxayaan oo ay Shabab diinta ka been sheegayaan iney iyagu dowlada uga danbeeyaan waxiiba siyaasad ah iyaguna kitaabka ilahey uga faaideyaan umad Somaliyeed oo colaado uusan ilaah la doonan oo ay gacantooda ku keensadeen ku halaagmay?Sow Shabab guul ma joogto marba hadii kuwii ay u heystay iney hal dhinac ka soo wada jeedaan iyagii is rabin? Maxey tahay iyadoo ay wadanka dowlad ka jirto waxa qaar ka mid ah Generaladii Somaliya sida Galaal ugu dagaalamayo koox ka mid ah kooxaha dalka ka jira oo dhamantood xukun doon ah?.
 
Waxaan xal u arkaa in culimada Ahalu Suna ee dalka intiisa kale jooga iney Shiikh Shariif si toos ah ula heshiiyaan intii ay Ethiopia shir ay u qabatay u tagi lahaayeen halkaas. Culimadu wax ha iskula haraano Somali meelkasta ayey ka bur bureen yeysan diinteena ku doorsan siyaasadahan an salka laheyn.Culimada Ahalu Suna hadeysan taladaan qaadan koleyto Somalinimadooda ayaa shaki kali doonta, waxeyna noqon doonaan urur ka weecda wanaagii ay shacabka Somaliyeed u hayeen. Shabab iyo Xizbul Islaamkii bur buray waxaa towfiiqda ka lumiyey oo kuleyl iyo shido galiyey waxey ku casiyoobeen culimadii Ahalu Suna oo ayaga wax soo baray, waxeyna ka dhigeen mid ay dilaan, qaxiyaan,masaajidyada ilaahey u diidaan. marka shaqsi waalidkiis ku caasiyoobay oo kale waaye waligoodne ma qeyrayaan. hadana iyadoo sidaasi ay tahay maahan in Ahalu Suna iyaguna maanta qalad kale umada ka galaan.Dhibaatada Ahalu Suna ma ahan culimada diinta taqana laakin waa shaqsiyaad aan diinta waxbo ka aqon oo damac siyaassdeed kujiro taasne hadaan maanta laga fiirsan dhibaatada ka imaan doonto waxaa masuuliyeeda qaadi doono culimada Ahalu Suna dadkuna shaqsiyaadka siyaad doonka ah uma arki doonaan iney qaldameen.
 
Shabab waxaa looga guuleysan karaa gacdoon wadanka dhan ka dhaca oo hal mar lagu qaado arintaas oo ku haboon iney hurmuud u noqoto dowlada wadanka ka jirta sidey doontaba haku timaadee.Shacabkastana dhulkiisa ka xoreysto cadawka Umada Somaliyeed oo maanta ah Shabab iyo shaqsiyaad ay iskaga qaldantay faraqa u dhaxeeya diinta iyo qabiilka.
 
Waa lama huraan in Shabab waxkasta oo ay umada Somaliyeed ku qatato dalka laga sifeeyo.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif


Ahalu Suna oo ku jahwareersan cida u yeeratay General Galaal

posted 7 Feb 2010 13:17 by admin Hiiraanpost


Dalka Somaliya shacabkeedu waxey noqdeen kuwa u dhaxeeya kooxo qaran diid ah  oo iskugu jiro wadaado, shaqsiyaad dowladii dhexe u soo shaqeeyey iyo ciidamo beeleed loo agaasimay qaab loo ekeysiiyey diin.Hadaba sidaan qoraaladii hore ku sheegay Somaliyada wey u sahlan tahay iney wax bur buriyaan waxaan inta badan leys weydiin sidii wax loo dhisi lahaa.Hadaba qoramadaan waxaanu kaga hadleynaa General Galaal iyo Ahalu Suna Galgaduud oo ah koox ka go,an Ahlu Suna dalka intiisa kale ka jirta.
 
Bal aan ku hormaro muran badan oon walito soo shaac bixin oo hareeyey Ahalu Suna Galgauud oo ah cida sida rasmiga ah ugu yeeratay General Galaal.Inta aan u gudbin Ahlu Suna bal aan isku dayo waa kuma General Galaal?
 
General Galaal waxuu ka mid yahay Generalada fara ku tiriska ah ee aan meelna uga bixin dalka Somaliya ka hor inta aysan dalka soo galin ciidamadii Ethiopia ee garabka siineysay dowladii Cabdulaahi Yusuf mudadii uu ku sugnaa dalka Somaliya waxuu si dadban ugu qeyb qaatay dagaaladii sokeeye isagoo waxkasta ku saleeyey danta beeshiisa oo markaas iska indha tiray dowladnimadu waxa ay tahay.
 
General Galaal mudadii dagaalada sokeeye waxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in an dib danbe loo helin Qaran Somaliyeed.
Tusaale.
Dawladii uu reysul wasaaraha ka ahaa Cali Khalif Galeyr ee lagu dhisay dalka jabouti waxaa u suuro galay iney magaalada Mogdisho caga dhigato oo ay ka howl gasho, waxaana mudadaas leys kugu yeeray ciidamadii xooga dalka Somaliyeed intiiba ka nool iyadoo loogu baaqay iney iskugu yimaadaan Garoonka kubada Cagta ee Moqdisho Stadium. Waxaa dhacday in ay halkaas iskugu yimaadeen ciidan lagu qiyaasay 15000 oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka uu ka kooban yahay.Nasiib wanaag General Galaal ayuu ahaa ninkii ka soo hor jeestay in ciidankaas la xareeyo  isagoo markaas yiri ciidankii dalka u soo halgamay ayaaba jooga ee sidee la yeelayaa mid cusub.
 
Dabcan ciidanka uu Gananku ka hadlayey waxey uun ahaayeen ciidamo beeleed markaas qaarkood xoog ku heyteen xarumahii dowlada xitaa Garoonka markaas ciidanka leysugu geeyey rag baa markaas xoog ku heytay.waxaa ku soo xigay shirkii saraakiisha Somaliyeed ay iskugu yimaadeen ee ka dhacay America oo uu shir gudoonka ka ahaa ninkii Africa ugu qibrada badan marka laga hadlayo arimo ciidan General Maxmaed Cali Samater. Yaa ka hor yimid shirkaas oo idaacadaha ka hadlay? General Galaal waxuu ahaa shaqsiga kaliya ee shirkaas ka soo horjeestay, ujeedaduna waxey aheyd hadii dalka Somaliya xal waara loo helo waxaa meesha ka baxeyso in xarumaha dowlada lasii degenaado ama xoog lagu heysto hantida qaranka si aysan taas u dhacina waa in kaar kasta la gubo mid diin, mid sarkaal iyo mid ganacsi si waqtiga u sii dheeraado.
 
Waxaa taas ka si daran General Galaal waxaa ku dhacday ceeb midii ugu xumeyd ee ebed soo marta marka laga hadlayo shaqsi darajadiisa oo kale leh (General) kedib markii aduunyada laga soo deeyey General Galaal oo bijaamo iyo gabo dacas ah gashan oo lagu maxkamadeynayo dalka Kenya oo waliba bahdilan markaan arkey aad ayaan ugu qaracmay mana sugeyn in Generaladeenii dalka iyo Shacabka u soo halgamay oo ilaa Harar iyo Hawaash xoreeyey iney indhaheygu qabanayaan inaan maalintaas oo kale igu soo mareyso nolosha, xaqiiiqadii markaan General Galaal oo maxkamad la horkeenay markaan arkey uma arkin isagu waxa uu yahay laakin waxaan dib u jaleecay 1977 iyo maalinkaas faraqa u dhaxeeya.
 
Laakinse maxaa xigay xarigii loogu geystay Kenya? shaqsiga muwaadinka ah waxaa lagu gartaa marka lagu dhibaateeyo dal uusan u dhalan waxaa laga doonayaa inuu u naxo dadkiisa ogaadane waxa uu dalakiisu  yahay, waayo Somalidu waxey tiraahda dalka wanaagiisa waxaa ogaada shaqsigii dibada ugu baxa ee dhibaato kala kulma wadanka uu tago, ama waxey la yiraahdaa walaal macaantiisa ruuxii madi ah ayaa og.Hadaba aan u soo laabto Ahalu Suna Galgaduud iyo General Galaal ujeedadooda rasmiga ah..
 
Inta badan Culimada Ahalu Suna ayaa isweydiineyso cida ka danbeysay inuu Galaal ku soo biiro ururkooda. arinta ugu xiisaha badan ayaa ah kedib markii ay qaar culimada Ahalu Suna dib isku wareysteen ayaa waxuu hadalkii ku soo gabo gaboobay ineysan jirin cid u yeeratay oo tiri kaalay dagaalkaan nagala qeyb qado.Inkasta oo qaar qaraabadiisa ah oo isku dayayey iney culimada kale qanciyaan u sheegeen inuu qaraabo salaan u yimid uusan u imaan Ahalu Suna inuu caawiyo.Ujeedada rasmiga ah ee General Galaal waa sidii uuGalgaduud ugu abaabuli lahaa dagaal qabiil oo loo ekeysiiyey diin si gobolka Hiiraan looga dhigo goob dagaal.Hasan Daahir Aweeys oo ah colonel ciidamadii Asluubta  iyo General Galaal oo ka mid ah saraakiishii ciidamada xooga dalka Somaliyeed ahna labo nin oo ilmo adeer ah midna waxuu ku dagal galayaa Ahalu Suna midna Xizbul Islaam laakin waa isku ujeedo oo waxaa ka wada dhaxeeya danta beeshooda.
 
Dhinaca kale waxaa gabo gabo ku dhaw qorshe inta badan hayadaha ka howl gala gobolada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Sh/ Dhexe loogu rarayo magaalada Dhuuso- Mareeb arintaas oo hada ka soo dhamaatay dalka Kenya. arintaan oo la doonayey in la hirgaliyo dhamaadkii sanadkii hore ayaa waxaa hakad galiyey dagal ay ururka Shabab kula wareegeen magaalada Dhuuso-Mareeb taas oo qaar kamid ah hayadaha samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya ka biyo diideen iney 100% ku shaqeyn karin halkaas. laakin rag ganacsato ah oo ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa damaanad qaaday in aysan Galgaduud colaad danbe ka dhici doonin. waxaana leysla gartay in General Galaal dib loogu celiyo Galgaduud ee uu halkaas ka abaabulo ciidan suga nabada gobolka Galgaduud si Hayadaha Samafalka looga soo weeciyo halkaas.waxaa kale oo arintaas daba socda in colaado laga huriyo gobolka Hiiraan si diyaaradaha isticmaala magaalada Belet weyne loo qalqaliyo amaankooda kedibna loogu weeciyo Galgaduud kooxda Shababne lagula dagaalamo Hiiraan halkii Galgauud lagula dagaalami lahaa.Dalkaan waa la kala shaqeysanayaa oo reer kasta maslaxadiisa ayuu fiirsanayaa qabaailada Somaliyeed qaarkoodna magacyo diin oo aysan iyagu hogaanka heynin ayaa loola baxay.
 
Dhinaca kale reer Hiiraan iyaguba ma shar yara waxaan Galgaduud ka jirane daqiiqad daqiiqad ayey ula socdaan oo rag baa meesha u jooga mowqifkoodane marka Mogdisho xabadu ka bilaabato ayaa la arki doonaa.Dadka siyaasada gobolka Hiiraan saadaliya waxey isku raaceen in aysan Ahalu Suna soo dhaafi doonin Guri-Ceel lagamana yaabo in mar danbe Ahlu Suna magalada Belet weyne xabad ka ridaan..Hadey doonayan iney dowlada afgambiyaan Mogdisho haka afgambiyaan, Hiran maya ayaa hadaladiis ka mid ahaa mid ka mid ah culimada Ahalu Suna ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
 
Laakin Somalidu waxey tiraahdaa nin tuur leh siduu u seexdo wuu yaqaanaa reer Hiiraan iyagaa yaqaano cidey heshiis la galayaan iyo cidey gobolka ka ceyrinayaan waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa dhagar qabayaasha Mogdisho soo gubay oo hada dagaalada u soo weeciyey gobolada dhexe ayey tiri hooyo ka mid ah hooyooyinka ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo qurbaha ku nool.
 
Wadaad aragney. Generalaragney,Ganacsade aragney, waxaan sugeynaa Ahalu suna kedib Shaatiga imaan doono, koleyto haduusan Tabliiq noqon ma garan karo magaca loo bixin doono.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif

Ahalu Suna Hiiraan iyo Galgaduud

posted 4 Feb 2010 09:34 by admin Hiiraanpost



Inta badan 40 kii sano ee ina dhaaftay qaar badan oo Somalida ka mid ah marka ay wax dhisayaan waxaa leyska indho tiraah qasaaraha ka imaan kara hadba markaas howsha lagu dhaqaaqayo.Dalka Somaliya waxaa hareeyey colaado 20 jirsaday oo inta badan ay sabab u ahaayeen shaqsiyaad Somali ah oo iyagu ujeedadoodu uun aheyd ku soo shaac bax. Hadaba waxaanu qormo idiinka soo diyaariney Ahlu Suna Hiiraan iyo Galgauud xiriirka ka dhaxeeyo iyo qaabkey iskula shaqeeyaan..
 
Ahlu Suna Hiran iyo Galgaduud waxaa ka dhaxeeya magaca Ahlu Suna oo kaliya laakin waa kala ujeedo.Somalidu waa umad jecel iney afka oo kaliya ka midoobaan iyagoo qalbiga ka jiran oo aan isku niyad sameyn.Hadaba si ay shacabka Somaliyeed u ogaadaan xaqiiqda jirto, bal isweydii cida ka danbeysay in ciidan u badan beel ka mid ah beelaha dega gobolka Hiran ay hal mar ka baxaan magaalada Belet Weyne oo ay xoog kala wareegeen kooxahii heystay?Bal is weydii maxaa kalifayo Ahlu Suna dalka dhan ayey joogaane in labo gobol oo kaliya laga dagaalamo? Bal isweydii Ahlu Suna wal jameeca xaku Halgankeedu ku dhamanayaa?
 
Dabcan waa inaan aniga noqdaa shaqsiga ugu horeeya ee jawaab ka bixiyo su,aalahaas.
 
1- In magaca Ahlu Suna aan lagu qabsan magaalada Belet weyne waxaaa ka shaqeeyey Ganacsato, Xildhibaano, iyo wasiiro ka soo jeeda gobolka Hiran oo dowlada ka tirsan.Arintaas ayaa timid kedib markii si toos ah iyo si dadban loo ogaaday in Ahlu Suna Galgaduud ay dooneyso iney Afgambiyaan dowlada Shiikh Shariif oo aysan siyaasad ahaan waxbo dhaamin ururka Shabab oo isaguba dowlada afgambinayo.MadaxaAhlu Suna Hiiraan oo ah nin dhaliyaro ah oo waliba daacad ah ayaa  dhowrjeer ku cel celiyey in gobolkasta ay dadkisu ka xoreystaan kooxahaan waxii siyaasad ahne loo daayo xukuumada oo Ahlu Suna ku ekaadaan sidii ay dalka uga difaci lahaayeen sharwada yaasha dadka dilaya oo uu ula jeeday Shabab iyo Xizbul Islaamkii bur buray dhawr maalin  ka hor.Laakin wax ka soo hoos qaaday ma jirto, mirahii ka soo baxay waxey noqotay in ciidankii oon hal askari ka dhiman uu magaalada ka baxo.Ujeedaduna waxey aheyd dhib Xizbiga iyo Shabab ayaa ugu filan shacabka koox kale Hiran ma xamili karto iwm.
 
Shirar hoose oo hada ka socda gobolka Hiiraan ayaa laga yaabaa in Ahlu Suna Hiiraan ay ku biirto ciidamo reer Hiiraan ah oo  la baxayo magac u goyni ah oo ka madax banaan kooxahaan oo dhan, mucaaradna aan ku aheyn dowlada wadanka ka dhisan.Ahlu suna aya ley dhahaa dowladne ma aqoonsani aqli maahan aya ka mid ahaa hadalo kooban oo laga hayo mid ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan, isagoo sii hadlayo waxuu yiri adeer dowladan hadaanu nahay shacabka Hiiraan dhiig badan ayaa nooga taatay oo waxgarad badan ayaanu ku weyney Jun,18,2009. Kooxdii Hiran maanta ka dagaalameyso waa in ay noqoto 1- Koox ku dagaal galeyso magaca gobolka Hiiraan mucaaradne ku aheyn dowlada Somaliya oo iyadu iskeed u taagan oon cidna hoos tagin.2- Shaqsi isagu ka tirsan ururo kale laakinse isagu ah hogaanka ururkaas oo uusan hoos tagin shaqsiyaad gobolo kale ka soo jeedo maadama 20kii sano ee ina dhaaftay reer Hiran ay daba fadhiyeen kooxo aysan ogeyn meel lagu dhisay iyo halka uu safarkoodu ku dhamaanayo.
 
Sida muuqata Ahlu Suna waxaa loo qaatay inysan wax kor kortan ah la imaan hada oo aysan ku mashquulin siyaasad aan waqtigeedkii la joogin, waxaanla hadlaya Ahlu Sunadaan aqiiney oo diinta bari jirtay umada Somaliyeed,kama hadlayo Ahlu Sunada Generaladii Somaliyeed ee dalka iyo Shacabka usoo halgamay, maanta Galgaduud uga yeeraneyso si ay dagaal diin loo ekeysiiyey laakinse aan qabiil ka marneyn ugu isticmaalaan aya ka mid ahaa hadaladii uu odogaas jeedieyey.
 
Hadaan hab dhaqanka Ahlu suna wax badan laga bedelin waxey u badan tahay in Ahlu Suna dalka intiise kale joogta ay ku biiraan dowlada si saruud la,aan ah, idaacadahane ka dhahaan anagu uma socono in aanu dowlada afgambino, arintaasne maalmo dhaw horjoogayaasha Ahlu Suna ee gobolka Hiiraan oo shacabkooda u naxayo ayaa ku dhawaaqi doona.
 
Inta badan sahacabka Somaliyeed uma baahno ururo wax dumiya waxey doonayaan ururo wax dhisa oo shacabka u naxa oo jiritaanka umada Somaliyeed bad baadiyo.Shacabka reer Hiiraan waxaan uga digayaa ineysan waqti ku lumin ururo aan ujeedadooda la aqoon, Ururka Ahlu Suna ciidan kastaba gobolka uu joogo ha ka sameysto Gudomiye,ku xigeen,afhyen gole Marjac shacabkiisana ha kasbado. laakin waxaan ka digayaa in aad hoos tagtaan hogaan aan heysan meel uu ku shaqeeyo oo kaliya doonayo inuu shacabka Hiiraan dhiigooda ku gaaro mansab siyaasadeed, ayey tiri mid ka mid ah dumar gobolka Hiran oo magaceeda ku soo gaabisay Qadra, iyadoo sii hadleysa waxey tiri maxaa ragaka soo jeeda gobolka Hiran ee damaca siyaasadeed ku jiro ku qasbayo iney rag qerkood ah daba fadhiyaan iyagoo heysta gobolka Hiran oo dhinac kasta ka wanaagsan gobolada ay ka soojeedaan raga iyaga ay daba fadhiyaan?
 
Sida muuqata Ahlu Suna Hiiraan iyo kuwa Galgaduud labo wado ayey kala hayaan ama dowlado shisheeye qar haka tuuraano ama qaab aan qabiil ka marneyn ha isku abaabulaano, maalmo dhaw waa la kala baxayaa oo siyaasada Somalia waji cusub ayey yeelan doontaan Ahlu Sunane waxey kala noqon doonaan qeyb si taas ah ugu biirta dowlada iyo koox gobolada dhexe kacdoonkii USC oo kale oo fashilka ku dhamaaday ka bilaaba ayey ku danbeyn doonaan.
 
Somali Somali baa leh
 
Waxa so diyaariyey Cilmi Khalif

Raadinta magaca masiibada Hiiraan,Soomaaliya Part 2

posted 2 Feb 2010 10:20 by admin Hiiraanpost


Waatanse waanadii

1.Waxa kuku dhacay kuma gafeen:


Ooraahdaan gacalka waxay tahay miraha xukunka
“ Alqadhaa wal qadar ” sideedana xaqiiqda masiibooyinka dhaxdeena waa imtixaan xaga rabi oo dunuubt
eena nalooga yareeynaayo darajaadna kor la inoogu qaadaayo, allaah SW waxaa uu ku leeyahay kitaabkiisa quraanka suurada luqmaan aayada 49

إنا كل شيء خلقناه بقدر
iyo suurada axzaab aayada 38
وكان أمر الله قدرا مقدور
sidoo kale Xathiiskii Jabriil markii uu Rasuulkeena SCW waydiiyay Iimaanka ee uu rasuulkaa SCW tiriyay in uu yahay in la Rumeeyaa alle SW…..ugu danbeyntii in la rumeeyo qadarka qayrka iyo shartissaba .


Sidaas daraadeed qofwalboo muumin ah oo masiibo qabsatay inay qadarneed, waase inuu kulmiyaa awooda caqligiisa iyo garashadiisa si uu ugu hortagaa masiibada asigoo kaalmeeysanaayo allaha awooda leh, xikmada badan oona cilmi uleh wax walbo kor ahaayee.

2. HA XANAAQIN!
ha xanaaqin maxaase ka xanaaqaysaa hadaad ba yaqiinsantahay inay masiibadu dhacday! Waxaa waajib ah inaad u baahantahay inaad u fekerto si caafimaad qabto xaalada “Cinqilaabka jirka” ama “Dulqaadka yaraadaa”ama “Deganaanta baxsato”..
waxaa laga yaabaa inaad I tiraahdid waa masiibo ee sideen u xanaaqeeyn? Way sahlantahay haddii aadan rabin inaadan xanaaqin ha xanaaqin!!!

Maahan falsafad ama iska dheh, waase toosin Rasuulkeenii scw ee sharafta badnaa markuu u yimid nin kuna yiri ii dardaaran ha xanaaqin kuna celceliyay dhawr mar.



3.Ahaaw ruux waaqica la nool ma awoodid inaad xaqiijisid yoolkaaka oo idil :

Markaad maamushid caqligaaga oo kuu muuqato inaad hanatay naftaada waa inaad is weydiisaa waa maxay Yoolkaaga aad higsanaysid?
Maxaan doonayaa xaqiiqdii?
kadib markaad xadidid yoolka aad leedahay si daqiiq ah ka digtoonaaw jilitaanka qaar aad is moodeysid inaad xaqiijin kartid Yoolka aad higsanaysid, sababtoo ah waaqicaa saas ahayn,

Dadka badankiis-laga yaabee inaad ka mid tahay-waxay xadidaan yool aad u qurux badan laakiin aan waaqic ahayn inta ugu badan yoolkooda ama nuxurkiisa ahaan, kadibna ay ku shaqeeyaan sidey u maamuli lahaayeen yoolkaas oo u xaqiijin lahaayeen laakiin wey ogaadaan inay riyoonaayaan!! Lagaba yaabee inay xaqiijiyaan qayb ka mid ah !! sidaas daraateed noqo ruux waaqici ah bilaawga howsha oo ku xadid yoolka aad leedahay masiibada dhacayso adigoo isticmaalaayo awoodaada maal iyo dadeed.



4. Ha gelin cariiri ruuxa kaa soo hor jeedo!


Gacalka waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso sababta laakiin haddii la rabo sida asalka ah ee masaaibka noocaan ah looga hortagaa waa inaad dareen siisaa in ruuxa doodi idinka dhaxaysaa in wada hadal la yeelataa si aad xitaa u imaataan isku tanaasul, taas oo aad isticmaalaysid:

Ilaa intay ku faafto kor u qaadis si masiibadaan looga baxo asalkeedana loo joojiyo.

Tankalese loo helo macluumaad dhab ah dhinacyada isku haayo masaaibta iyo xaqiiqada sideey tahay.

Ruuxa dalbaayase in ruuxa ka soo horjeedaa biyo kulul looga shubaa wejiga ’ ’ waxay sababaysaa mararka qaar sii socosho iyo hurin joogta ah.

Waxaase ka farcamaayo dardaarankaas mid kaleeto oo leh daa ruuxa doodi idinka dhaxeeyso inuu iska neefsado! Tasoo macnaheeda yahay mararka qaar ruuxa dooda idinka dhaxeyso haddii aad kula degdegti wada haddal sababi karto wareer, sidaas daraadeed daa ha soo daayo ilaa uu soo bandhigaa awoodiisa oo idl si aad u daraaseeysid go’aankaaga kama danbeeysta ah!!

5.U soco tartiib tartiib:

Dabeecada wanaaagsan ee looga hortagikaraa masiibada waa ayidoo hoos laga bilaabaa lana kenaa badel, midbana kan ka qafiifsan laga bilaabaa looguna socdaa ilaa laga gaaraa midka ugu culus, sidaasaa tartiibtu waxay u faa’ideyneeysaa: xubnaha doodu idinka dhaxeeyso siinaysaa inaad awoodid inaad hanato hogaanka maamulka soona saaraysaa awoodaada. Taasoo ku xanbaarayso tanaasul iyo dhamaansho habkii ugu wanaagsanaa.

waana inaan ka fogaanaa talada ah uun Xoog

Taasaa inaga dalbeeyso dhaqaale joogta ah iyo baryo awood kale oo kaa fog;
sidaasay qaar hogaanka u isticmaalaan dedejinta isticmaalka dhaqaalahaas iyo awoodaas wax yar kadibna waxaa cataato xaqiiqada dhabta ah ee ah inaanay dhaqaalihii iyo awoodii ayan ku filneen !!

6.Balaari wadatashiga:

Sidaasaa allaah subxaanuhu watcaalaa ku leeyahay quraankiisa kariimka asigoo cadeeynaayo ahmiyada ay leedahay wata tashiga kala tasho arinta aal cimraan(159), taasina waa arin muhiim ah oo u horseedayso hogaanka inay ku fiiriyaan masiibada hab caqli ku dhisan fekrado kala duwan oo aad u qiimo badan, ayagoo la kulmi doono nafaf aad ukala duwan kuwo rajo muujinaayo iyo quus intaba.
daka qaar waxay la tashanaayaa dad aad u tiro badan laakiinse xaqiiqda ma maqlaan ilaa talada nafsad ahaantiisa ka timid maahine mid kaleeto. Inta ugu badane waxay ku dhisantahay taqasuskiisa ama habdhaqankiisa ama waxyaalaha uu ihtimaamka siiyo!!


7.Raadi taakeero badan:


Ruuxa doonaayo inuu ku guuleystaa inuu maamulaa masiibada waa inuu helaa taageero aad u badan:
wa inuu sharax dheeri ah ka bixiyaa kuna qanciyaa qaraarkiisa iyo ahmiyada uu leeyahay si loogu taageero qanaacadiisa loona meel mariyo ansixintiisa.

Sodoo kale isku dayaa inuu raadiyo inuu helaa inta ugu badan dadka shakisan ama aan raacin asigoo sharxaayo kana jawaabaayo suaalaha soo laalaabtay ee shakiga badan keenay.
kana fogaadaa haddal haynta daaiman mucaaradkiisa asigoo isticmaalaayo usluub wanaagsan

8. inuu istiqaareysto rabigiis

Marxaladaan markuu maraayo waxaa loo baahanyahay in ruuxa uu u tukado rabigiis sidoo inooga soo wariyay jaabir rasuulkeena SCW inuu bari jiray salaada istikhaarada sidii suurad quraanka kamid ah si ay u dukadaan markay arimahooda yar iyo weynba niyeeystaan maxaase u malaynaysaa amuur ku saabsan masiibo, “waxayna ku taal kutubta oo laga helaayaa”


Gacalkay intaas waa kor maridii aqrintii masiibo dadbadan ay la baraarugeen waxayse xikmadii lahaeyd markay soo mareen ninkii jiifay oo ay ku murmeen dhimashadiisa iyo noloshiisa ”jiifkaan jiifaa ka horeeyay” waxaanse kuku celcelinaayaa waxaa jiraa Rugcadaa aqooneed si aan ugu faaidaysaa ku casuum goobta waslaamu calaykum 


Bur bur ku yimid Xizbul Islaam

posted 2 Feb 2010 10:01 by admin Hiiraanpost   [ updated 2 Feb 2010 11:20 ]


Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif
Ururka Shabab iyo dowlada Shiikh Shariif ayaa midkasta dadaal ugu jiraa sidii ay u kala jiidan lahaayeen ururka Xizbul Islaam oo waxii ka danbeeyey dagaaladii Hiran fashilmay ahna urur qabiil ku dhisan oo shacab badan oo reer Hiran ah kana soo jeeda beesha Xawaadle ugu xasuuqay gobolka Hiiraan qaab aan qabiil ka marneyn, ayaa hada ku jiro maalmahiisii ugu danbeeyey. sidaan hore idiinku sheegay marka laga soo tago magaca quruxda badan ee diini ah ee uu ururkaas xambaarsan yahay (Xizbul Islaam) ayaa hadane waxaa jiro arimo badan oo u baahan in shacabka Somaliyeed ogaadaan.
 
Xizbul Islaam waa urur ku dhisan qabiil maahan mid diin shaqo ku leh. Ururkaan ayaa hada intiiba is daba qaban karto ay hada si toos ah iyo si dadban ugu baxayaan. Ururka Shabaab iyo mucaskarka Gaambooni oo 2dii bilood ee ina dhaaftay u gur galayey hadal heyn badan oo ka jirtay gobolka Hiiraan oo aheyn in qabiil ka mid ah qabiilada dega gobolka Hiiraan(Xawaadle) ay si goyni ah u bartilmaamedsadaan rag ka mid ah hogaamiyayaasha Xizbul Islaam iyagoo isticmaalayo qabiilo reer Hiran ah sida shaqsiyaad u dhashay beelaha Baadi-Cade iyo Gaaljecel iyadoo arintaas loo xilsaaray nin magaciisa lagu soo gaabiyey Shiikh Xasan oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ahna nin qaba geber uu dhalay Hasan Daahir Aweeys.Waxaa kale oo dhinaca Shabab arintaas ugu jiray oo la ogaa xasuuqa ay Xizbul Islaam ku hayeen beesha Xawaadle oo laga dilayey waxgaradkooda rag muhiim ka ah ururka Shabab sidaXasan Yacquub iyo Ali Dheere oo ka soo kala jeedo beelaha Murusade iyo Gaaljecel mashruucaan ma aheyn mid ay wada ogaayeen Shabab, arintaan lagu bartilmaameedsanayo beel ka mid ah beelaha dega gobolka Hiran ayaa buuq weyn ka dhex abuurtay madaxda sare ee Shabaab iyo kuwa Xizbul Islaam, Waxaana arintaan in baaritaan lagu sameeyo keeney rag ka tirsan Shabab oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.
 
Arintaan oo maalmahan xasaasi aheyd oo waliba ku hanjabeen dhalinyarada beesha Xawaadle iney iyagu sameysan doonaan urur islaami ah hadaan arimahan xal loo helin ayaa markii danbe waxaa soo fara galiyey hogaanka sare ee Shabab Godane waxuuna balan ku qaaday inuu arintaan wax ka qaban doono. Shabab oo arintu ku xun tahay wax badana soo ogaaday oo waliba cadeymo rasmi ah loo hayo ayna ka mid tahay in Xaafada Howl-wadaag  guri ka mid ah ilaa maanta lagu heysto, Cumputaro uu lahaa Proff Daud Hasan oo ay heystaan rag beesha gaaljecel u dhashay ayaa xiisada sii fogeysay oo waliba Shabab oo dooneysay in aan loo arag koox inta dadka dila hadane biliqeysta ayaa isugu yeertay odoyaal beesha Xawaadle ka soo jeedo oo fara ku tiris ah oo magaalada ku haray isuguna jiro kuwa iyaga la shaqeeya iyo kuwo daacad ahaa jimcahii ina dhaafay. kedibna weydiiyey waxa Xawaadle 97% ugu soo horjeedo ururka Shabab kedibna Shabab ma ahan dad sida ay diinta u sheeganayaan  xaal u qabanayee waxkasta ayaa la hor dhigay. waxaana la yiri waxaanu nahay qabiilkii ugu horeeyey ee aad 200 oo ruux ku dhawaad ka dishaan si jamac ah iyo si dadban kedibna intii ka soo hartay aad gaaleyseen, sow dagaalkeenu xaq maahan ayaa loo raaciyey.
 
 Shabab ayaa yiri bal anaga naga warsuga Xawaadlow arintiina qatarteeda ayey leetahay iyagoo ku cataabayo walaahiyaan ku dhaaranaye qabiil uma socono Xizbul Islaamne hadey shaqsi danbe Hiran ku dilaan talaabo ayaanu ka qaadi doonaa ee noo soo sheega iwm. Xizbul Islaam iyo Shabab waa labo Evil oo midkasta kan kale dadka iskaga dhigayo inuu wanaagsan yahay, laakin Xizbul Islaam waa qabiil soo taagan oon biyo la marin taas ayaana keenatay in maanta Hasan Turki iyo kooxdiisu  ku biiraan Shabab kedib markey iyaguna ka war heleen rag ay ka mid yahiin  Hasan Daahir Aweeys, Macalin Xaashi,iyo rag intooda badan ka soo jeeda gobolka Hiiraan iney ku biirayaan dowalda oo shirarkoodu gabo gabo yahay.
 
Shabab ayaa sheegtay ineysan beesha Xawaadle ka dilin 200 oo ruux. laakin qaraxii Jun,18,2009,Proff Daud, Dr Kulmiye rag ay ka mid yahiin ay iyagu dileen, laakin dadka intiisa kale sida nabadoon Dacar Xersi Xooshow ayey sheegeen inuu ku maqan yahay gacanta beel ka mid ah beelaha dega gobolka Hiran ama Xizbul Islaam midkood.waxaa kale oo ay yiraahdeen hogaanka Shabab kuma tilmaamin beesha Xawaadle ereyo diinta ka saarayo laakin waxaa laga yaabaa dad qabiilku  jiitay oo ururka ka mid ah iney ku deg degeen arimahaas ayey yiraahdeen iyagoo ula jeeday Ali Dheere iyo Hasan Yacquub.
 
Shabab ragne arimaha taagan siyaasad ayey ku dabaqaan sida Godane iyo Fu,aad halka Ali Dheere rag uu ka mid yahay aysan hadaladooda control laheyn. Hasan Turki oo hadalo kooban laga hayo ayaa yiri urur dhisan waa la badbaadin karaa laakin marka uu qabiil dabada la galo lama badbaadin karo ayuu yiri waxuuna si aan gabasho laheyn isaga iyo koxdiisii Gaambooni ugu biireen ururka Shabab. Suaashuse waxey tahay Shabab haba lagu biiree waqti intee la eg ayey  sii jiri karaan?
 
 
 
Guusha umada Somaliyeed waxey ku xiran tahay hadba sida ay reer Hiiraan ula dagaalamaan Shabab oo ah urur qatar ku ah jiritaanka umada Somaliyeed, marba hadey gubayaan Calanka Somaliya.qatar ka weyn  oo dal dhan umadiisa loo geysan lahaa ma jirto. waxaan shacabka Somaliyeed ugu digayaa in aysan ku mashquulin xumaanta ka imaan karta shaqsiyaad ka soo jeeda beelo Somaliyeed oo la qalday loona nisbeyn qabiilooyinkooda arimaha qabiilka dib ha loo dhigo cadawka dalka iyo diinta ku ciyaarayo sida Shabab gacan bir ah sidii leys kaga qaban lahaa oon qaranimadeena u ilashan laheyn ha lagu dadaalo.Reer Hiirane ha ogaadeen dhibta maanta ka taagan iney sabab u yahiin shaqsiyaad u dhashay beesha Xawaadle sidaas daraadeedna aan loo baahneyn in beelo kale oo reer Hiiraan ah laga dhigo dad xun.Shabab oo ku faanay xasuuqii Jun,18,2009 waxaa gobolada dhexe madax uga ah nin ka soo jeedo beesha Xawaadle. Xizbul Islaam waxaa hor boodayo Maxamed Weheliye iyo Shuuriye.dolwada waxaa hor boodayo oo maalinba qar ka tuurayo wasiirka Abniga. Ahlu Suna Hiran waxaa hor boodayo Adan Cawaale yuu yahay ma cirkow ka soo dhacay? Somaliyey aqligu ha shaqeeyo dalka iyo dadka waxaa lagu bad badin karaa in gobolkasta xabad laga bilaabo oo Shabab laga taqlusiyo. ilaahow Shabab na dhaafi oo kaliyana yaan la dhihin ee hogaamiye daacad ah  dalka iyo dadka ka naxayo oo daacad ah umaduna u siman tahay in ilaah noo keeno aan ku darno. ilaahow na dhaafi hebel waanu ku soo gubanaye.
 
Qoraaladan dad badan ayaa dhibsan doono laakin waa xaqiiq jirto. Shabab iyo Xizbul Islaam waxey awalba heshiis ku ahaayeen dilka, baracikinta, gaaleysiinta umada Somaliyeed iwm. hadey kala jabaan iyo hadey isla socdaan intuba wax micno ah ma yeelaneyso ilaa fikirkooda laga taqalusiyo. guushuna wey dhaw tahay ee umada Somaliyeed meel fog haka eegaano arimaha taagan.
 
Whatever happens Somalia is my Country.
 
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif

‹ Prev    1-10 of 46    Next ›