ASALAAMU CALEYKUM Salaan kadib yuusuf gacalkay waa qoraalkii aad ii dirtay. Waxaan xasuustay ninkii odayga ahaa ee barbaarinaayay wiilkiisa oo ku yiri aabo ha hadalbadnaanín waayo danbigaagaa badanaayo. Markaad haddlaysidna ka feker ka hor intaadan ku dhawaaqin ma saxaa hadalka aad leedahay maxaa ka dhalan karo ma qayr mise shar, malagaa abaal marinaayaa mise, kadib ma awoodaa inaad soo gaabisid iskana sax naxwe ahaan. Wiilkii oo la yaaban aabihiis ayaa ka balan qaaday inuu sameeynaayo arintaas, mar ay mudo kasoo wareegtay wiilkiina uu la qabsaday ku dhaqanka waanada aabihiis. Maalin maalmaha ka mida ah ayey go (Firaash) wada fadhiyo meel dab ka shidanyahay u dhaw ayaa aabihii kusoo booday dhinbil dab ah oo go'ii ka qabsatay wiilka oo markaa arkaayay ayaa mudo kadib aabihii ku yiri, Aabo ! Hee aabihii oo sugaayo wiilkiisa!!! Dhowr daqiiqadood kadib ayuu wiilkii yiri Aabo waxaa shidnay deb! Aabihii haye
wiilkeey! Aabihii wad wiilkay maxaad la aamusaysaa? Dhowr daqiiqadood kadib Aabo go'ay ku dhacday ! Isla mar ahaantii holicii ayaa gaaray oo la booday aabihii oo aad u anfariiray ayaa ku yiri wiilkii ma waxaad ka waday dabka qabsaday go'aygaan gubtay, Markaas ayuu luxay madaxii oo ku yiri haa aabo. Allow qayr ku sii maandhow
ma waxaad kari waysay inaad ii sheektid mar hore intanan
guban. Aabihii oo aad u careeysay maandhow iska hadal.# Dhibka taaganaa ah fajac maxaa la qoraa wax aan horey loo arag oo sharciga ka sareeyaa dhacay. Said
|
